• Guddoomiye qardhaas oo Nairobi kula kulmay rugcadaa Kubadda Koleyga Soomaaliyeed

Kulan lagu kala warqaadanayay oo caawa magaalada Nairobi ay ku yeesheen Guddoomiyaha ku meelgaarka ah ee qurbojoogta kubadda koleyga Soomaaliyeed Mudane Aadan Cabdi Maxamed (Qardhaas) oo si weyn looga yaqaano gudaha iyo dibada dalka gaar ahaana lagu xasuusto kooxdii qaranka Soomaaliyeed ee kubadda koleyga iyo naadigii Batroolka, C.casiis ibraahim Aayaroow oo kamid ahaa kooxdii qaranka Soomaaliyeed ee kubadda koleyga , Maccalinka caalamiga ah Maxamed Cismaan Dominiko, iyo Axmedeey oo kamid ah bahdii kubada koleyga Soomaaliyeed.


Kulanka soo dhawaynta iyo kala warqaadashada isugu jiray oo uu soo qabanqaabiyay ururka midnimada dhalinyarada Soomaaliyeed ee YUSOM oo iyaga wax badan ka qabtay isku dubaridka jaalliyada sportiga reer Nairobi ayaa ujeedadiisu ay ahayd in xog hordhac ah oo xaalada kubada koleyga ah ay guddoomiye Qardhaas ku siiyaan jaalliyada Soomaalida ee kubada koleyga Nairobi oo uu horboodayay C.casiis ibraahim Aayaroow oo ah ciyaaryahanka kaliyah ee ka haray kooxdii qaranka kubadda koleyga Soomaaliyeed ee Nairobi ku sugan.

Cabdi Xalane oo ku hadlay afka dhalinyarada YUSOM, iyo jaalliyada sportiga Nairobi ayaa Guddoomiyaha ku soo dhaweeyay dalka Kenya, isagoona ka warbixiyay in magaalada Nairobi ay ku suganyihiin ilaa 10 kooxood oo gabdhaha kubadda kolleyga ah oo qaarkood ay aad u firfircoonyihiin.

Guddoomiye Qardhaas ayaan si kooban uga warbixiyay in safarkiisa uu la xiriiro sidii uu ugu kuurgeli lahaa howlaha kubadda kolleyga jaalliyada Soomaaliyeed ee wadanka Kenya, maadaama ay rugcadaaga isaga uu kamidyahay ay si weyn dardar iyo dadaalba ay u geliyeen sidii loo horumarin lahaa jaalliyada kubadda kolleyga Soomaaliyeed eek u kala baahsan caalamka oo dhan.

Guddoomiye Qardhaas ayaa lagu wadaa inuu safari kan lamid ah ku mari doonaa wadamo ay kamidyihiin Sweden, Canada iyo Mareykanka halkaa oo uu sheegay inuu ugu kuurgalayo sidii lagu horumarin lahaa jaalliyadaha kubadda kolleyga Soomaaliyeed ee caalamka ku kala baahsan.

Ayaanle Koley

Nairobi

Email: koleyga@gmail.com




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line